10 arrimood oo cajiib ah oo laga helo soonka:

 Muslimiinta caalamka oo dhan waxay maalmaha soo socda billaabi doonaan soonka bisha barakeysan ee Ramadaan. Waa waajid diini ah oo laga doonayo qof kastoo qaangaar ah oo caafimaad qaba.



Soonka wuxuu jirka ka saaraa maadooyiinka kiimikada ah ee suntan leh ama keena xannuunada qaar, wuxuuna yareeyaa sokorta jidhka iyo dufanka jidhka.

 halkan ka akhriso 10 arrimood oo cajiib ah oo laga helo soonka:

1- Soonka wuxuu jirka ka saaraa maadooyiin sun ah

Cuntooyiinka la dubay sida tootiga, keega iyo biizaha eek a mid ah cuntooyiinka fudud, waxaa lagu daraa maadooyiin badan.

Maadooyiinkaas waxay mararka qaar noqon karaan wax sun ku noqda jirka. Qaar ka mid ah waxay sababaan sokor ama dufin badan.

Inta badan waxa suntan oo kale ah ee jirka ku dhasha waxay dhexgalaan dufanka ama saliidda jirka. Haddaba soonka wuxuu gubaa dufankaas, gaar ahaan marka la soomayo maalmo badan.

Taa waxay sababeysaa in suntaas ay ka baxdo jirka. Kelyaha ama beerka iyo xubnaha kale ayaa noqonaya kuwo nadiif ah, sida lagu xusay cilmi baaris.

2- Soonka wuxuu nasiyaa hannaanka dheef-shiidka

Inta lagu jiro bisha Ramadaan, xubnaha ka shaqeeya shiididda cuntooyiinka way nastaan – Waa haddii aan afurka iyo suxuurta la iska badinin.

Shaqooyiinka qeybaha kale ee jirka sidooda ayey u sii socdaan, hannaanka dheef-shiidkana wuxuu soo saaraa dheecaanno, balse waxaa yaraanaya tiradii uu soo saarayay.

Soonka wuxuu caawinayaa in jirka uu si dheelli tiran u qeybsado dheecaanka iyo dareeraha kale. Taas na waxay sababeysaa in habka shiididda cuntooyiinka in si wanaagsan ay u socdaan.

Balse Soonka ma joojinayo in caloosha ay soo saarto aasidka. Waana sababta ay dhaqaatiirta ula taliyaan dadka qaba gaaska caloosha in ay taxaddaraan, dawooyiinna qaataan.

#Lasaco...

Comments